Odoo Website waa qayb ka mid ah nidaamka Odoo(softiweerka maamulka ganacsiga) oo ah Nidaam Maamulka Kontent (CMS) iyo dhisaha bogagga internetka.
Waxa uu u oggolaadaa ganacsatada inay sameeyaan (create), maamulaan (manage), oo soo saaraan bogagga internetka oo heer sare ah (publish professional websites) iyaga oo ku jira qaab-dhismeedka Odoo.
Waa kuwan fiiro gaar ah oo ku saabsan:
1. Waxaa lagu daray Odoo ERP/CRM: Macluumaadku waa mid wada socda: Taa waa astaanta ugu weyn. Boogagu ma aha meel kala go'an; wuxuu la wadaagaa xogta aad ku leedahay Ganacsiga (CRM), waxa bakhaarka yaala (inventory), iibka (sales) internetka (eCommerce), taageerada, (support) macaamiisha (customers), dhacdooyinka (events), bloggyada (blogs), shaqooyinka (jobs) (HR), iwm.
Tusaale: Alaabta aad ku soo bandhigto internetka waa tiiraanyooyinkaaga. Foomamka macaamiisha waxay abuuraan xog rasmi ah oo ku saabsan macaamiisha. Dalabka iibka internetka si toos ah ayaa u gudbi doona qaybta Iibka.
Codsiyada shaqooyinka waxay noqon doonaan xog ku saabsan qaybta Shaqaalaha.
Hal Maamul (Single Admin Panel): Ku maamul bogaggaaga iyo hababka ganacsiga (iibka ama sales, bakhaarka waxa yaala ama inventory, xisaabinta ama accounting, iyo shaqaalaha ama HR) iyada oo la isticmaalayo hal qalab maamul.
2. Qalabka Dhista Bogagga (Drag-and-Drop): Qalab Farshaxan: Wuxuu leeyahay qalab fudud oo loo yaqaan WYSIWYG ("Waxaad Aragtaysaa waa sidaa uu u Kala soo Baxi Doono") oo aan lagama maarmaan ahayn inaad qorno koodh.
Qaybo Dhismeed (Building Block): Waxaad isticmaali kartaa "qaybo" la diyaariyay (qoraal (text), sawir images, calaamado banners, gallery, foomam, liiska alaabta, astaamo, iwm.) kuwaas oo aad ku jiido, ku dhufato, oo u habayn kartid.
Qaabab kala duwan (Flexible Layoust): Wuxuu ku siinayaa qaabab kala duwan oo ku habboon nidaamyada kala duwan (desktop, tablet, mobile).
3. Astaamaha Muhiimka ah (Core Features): Qaabab Professional ah: Wuxuu kuu soo bandhigayaa qaabab la diyaariyay oo ku habboon noocyada ganacsiga.
Blog: Si fudud u abuur oo maamul blog shirkadeed. Iibka Internetka (eCommerce): Wuxuu ku xidhan yahay si qoto dheer qaybta iibka internetka ee Odoo.
Abuurista Foomamka (Form Builder): Samee foomam gaar ah (foomamka xidhiidhka (contact forms), foomamka macaamiisha cusub (lead generation forms), raadinta fikradaha (surveys), codsiyada shaqo (job applications)) kuwaas oo si toos ah u abuura xog ku saabsan qaybaha kala duwan ee Odoo.
Qalabka SEO: Qalab loogu talagalay in lagu hormariyo baaritaanka internetka (cinwaanada bogagga, faahfaahinta meta, URL-ada, khariidada bogagga).
Luqado Badan (multilingual): Taageero lagu sameeyo bogagga leh luqado badan.
Ku Habaysan Taleefoonada (Mobile Responsive): Bogagga la sameeyo waxay si toos ah ugu habaysan yihiin shaashadaha kala duwan (kombuyuutar, tablet, taleefoon).
Magaca Gaarka ah (Custom Domain): Ku xidh magaca domain-kaaga gaarka ah boggaaga Odoo.
4. Cidda Loo Wacyi Galinayo (target users): Ganacsatada Yar iyo Dhexdhexaad (SMBs): Waa xalka wanaagsan ee ganacsiga raba qalab wada shaqeeya (website iyo maamulka) oo qiimo jaban.
Ganacsiga Horey u isticmaalay Odoo: Waa doorasho cad inay ku kordhiyaan nidaamkooda website professional ah.
Kuwa qiimineysa isku xidhka (users valuing integration): Ganacsiga ay ka daaleen isticmaalka nidaamo kala go'an (sida WordPress + WooCommerce + CRM + Bakhaar) oo aan wada hadli karin.
5. Faa'iidooyinka: Badanaa waqti aad ka badbaadin kartaa (huge time savings): Macluumaadka ayaa si toos ah u gudbi doona nidaamka ganacsiga, isla markaana aad ka fogaato gelinta xogta gacanta.
Qalad yar yar (reduced errors): Isku xidhka macluumaadku wuu yaraynayaa qaladaha.
Aragti wada socda ee macmiilka (Unified Customer View): Dhammaan wax kasta oo macmiilku kula kaco (booqashada bogga ama website visits, foomamka la buuxiyey ama form submissions, iibka ama sales, codsiga taageerada ama support tickets) waa la xogaynayaa hal meel (CRM).
Macluumaadka waqti toos ah (real time information): Alaabta iyo qiimaha bogga waa kuwo cusub oo aan duwanaado.
Qadarin Qiimo jaban (cost efficiency)): Qiimaha wadartaadu waa mid ka yar adeegyo kala go'an oo aad isticmaali lahayd.
Kordhin kara (scalability): Si fudud ugu dari qaybo cusub oo Odoo ah (eCommerce, Chatka toos ah, Taageerada, Dhacdooyinka) marka ganacsigaagu kordho, kuwaas oo dhammaantood la xidhi doona bogga.
6. Fur-fur (Open Source): Waa mid la heli karaa Odoo Community Edition (bilaash, aad naftaada ku shubto) iyo Odoo Enterprise Edition (laakiin waa lacag, bulsho ama serverkaaga). Nooca Enterprise wuxuu ku siinayaa astaamo sarreeya, taageero gaara, iyo cusboonaysiinta si toos ah.
Si fudud loo dhigo (in simple terms), Odoo Website waa: Albaabkaaga ganacsiga ee internetka (your business's digital front door), oo si adag ugu xidhan wax kasta oo ka socda gadaal (behind the scenes) sida (iibka (sales), waxa bakhaarka yaala (inventory), taageerada (support), iwm.),
Waxaana lagu dhisaa laguna maamulaa isla softiweerkii aad u isticmaasho maamulka shirkadaada. Waxa uu sii saarayaa isku xidhka iyo waxqabadka fudud.
Haddii aad dooneyso inaad tiijaabiso (test drive) Odoo ERP, dee waxaan kuu haynaa website ku tijaabiso ama ku tabababarto hadaa af English wax ka fahmeyso.
Soo fiiri oo click sii halkan demo.odoo.com/ ood ku arki dhamaan qaybaha uu ka koban yahey Odoo Erp oo dhan
Haddii uu website kuu soo bixi waayo, ii so sheega dee. Good Luck!